|
Sheekh Xasan Daahir oo khudbad ka jeediyey Musaajid Bakaaraha ku yaala
30/Oct/2009 Gudoomiyaha Xisbul Islaam Sh Xassan Daahir Aweys ayaa khudbad kulul ka Jeedshay Masjidka Abuu hurayra oo ku yaal Suuqa Bakaaraha waxaana uu ka hadlay arimo badan oo kala duwan.
Sh Xassan ayaa khudbadiisa Eedayn dusha uga tuuray waxa uu ku tilmamaay Warbaahinta cadowga ee gudaha iyo dibada isaga oo sheegay in uu socdo dagaal nooc walba leh.
Sh Xassan ayaa meesha ka saraay in ay jirto wax dhibaato ah oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam wixii ka danbeeyey dagaalkii magaalada Kismaayo ee gobalka J/Hoose .
Hogaamiyaha Xisbul Islaam ayaa meesha ka saaaray in uu wax wadahadal ah uu la galayo DFKM oo ku tilmaamay mid u shaqeysa Cadowga alle wax dan ahana aan u hayn Shacabka Soomaaliyeed.
Sh Xassan ayaa waxaa uu yiri isaga oo ka hadlaya wadahadalada DFKM iyo Baaqii Col.Qadaafi Madaxweynaha Libiya ” Waxa wadahadal ah lama geli doono dowlad ku sheega Cadawga la shaqayso, ma is weydiiseen waxa uu yahay Qadaafi waa Ninka Hadda Madaxda u ah Ciidanka AMISOM ee Shacabkeena xasuuqa ku wada waxaan leenahay wadahadlkiina baadilka ah lalaabta mana doonayno ”
Gudoomiyaha Xisbul Islaam Sh Xassan Daahir Aweys ayaa ku tilmaamay saxaafada Soomaalida qaarkood mid aan xalaal ahayn wuxuuna ugu baaqay in ilaahey ka cabsadaan ayna joojiyaan dicaayda ay ka fidinayaan Xisbul Islaam
Sh Xassan ayaa aad u dhaliilay Radio Muqdisho oo ah Idaacad FM ah oo daacad u ah DFKM taas oo faafisay habeen dhaweyn in uu sh Xassan Qarax lala eegtay taas oo been cad ahayd.
QODAL NEWS DESK
Editor@qodal.com
|